Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dalacsiiyay sarkaal ka tirsan ciidamada Booliska oo la sheegay inuu badbaadiyay Keydka Radio Muqdisho.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa darajada Gaashaanle Sara u Abshir Xaashi Cali oo ah sarkaal Keydka Raadiyaha Muqdisho ilaalada ka ahaa muddo dheer ilaa xilligii maleeshiyadii Jen. Ceydiid ay qabsatay Idaacadda Muqdisho ilaa xilligaanna ku sugan Idaacadda.
“Waxaan ammaanayaa cid walba oo ka qeyb qaadatay ilaalinta dhaxalka ummadeed ee yaalla Kaydka Radio Muqdisho oo uu kamid yahay G/Dhexe Abshir” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
DAAWO SAWIRRO