Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.
Madaxweynaha iyo wafdiga la socday waxaa Garoonka magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyay Madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/Galbeed.
Madaxeynaha ayaa guddoomin doona Shirka Golaha Amniga Qaran ee Berri ka fumaya magaalada Baydhaba, waxaana Baydhaba sidoo kale gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka, madaxda dowlad goboleedyada Galmudug, Puntland iyo Jubbaland.
Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyey, iyadoo isla maanta ay ku sii jeedaan madaxda Jubbaland iyo Hirshabelle.