Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka ka dhoofay magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya shir aan caadi aheyn oo Madaxda Urur goboleedka IGAD ka yeelanayaan Colaada dalka Koofurta Sudan, waxaana Adis ababa ku sugan shinacyada isku haya colaada Koofurta Sudan oo ay kala hoggaaminayaan Madaxweynaha Salva Kiir iyo ku xigeenkiisiii hore Riek Machar oo hoggaamiya mucaaradka.
Koofurta Sudan oo dagaallo ka socdeen ilaa sanadkii 2013-dii, waxayna dhowr jeer IGAS ku guuldareystay in xal laga gaaro colaada u dhaxeysa dhinacyada is haya.
Somalia ayaa xubin la ah IGAD, iyadoo qeyb ka ah dadaalka nabadeynta Koonfurta Sudan.