Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo & Madax badan oo Hambalyo & bogaadin u diray Xulka Soomaaliya ee Juunyarka 17 sano jirka

Madaxda Soomaalida hambalyo iyo bogaadin u diray xulka da’da yar ee Soomaaliya oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah ee fiinaalka Koobka CECAFA.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay kooxda Soomaalida guusha ay gaareen, wuxuuna farriin uu soo diray ku yiri: “Waxaan ugu hambalyeynayaa xulkeena da’doodu ka yar tahay inay gaareen fiinaalka koobka CECAFA, aad ayaan idinku faaneynaa, waxaan rajeynayaa in koobka ayaa noo kentaan”.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa muuqaal ay soo duubtay halmbalyo iyo duco ugu dirtay kooxda xulka da’da yar iyo guusha ay gaareen, waxaana sidoo kale hambalyooyinka diraya madax kala duwan, xildhibaanno, shaqsiyaad caadi ah, iyadoo baraha bulshada uu durba qabsatay dabaaldega guusha.

“Hambalyo Xulka Qaranka Soomaaliya ee Under 17 oo u soo baxay finalka Cupka Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waa guul weyn oo dhamaanteena inoo soo wada hoyatay. Ciidda iyo Calanka baad ciso iyo sharaf usoo hoyiseen ee Allaha idinku guuleeyo CECAFA CUP 2018.” ayuu yiri guddoomiyihii hore ee Gobolka Banadir Taabit Cabdi Maxamed oo farriin u diray xulka da’da yar ee Soomaalida.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON