Tuesday, July 1, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo 40 maalmood kadib safarkiisii ugu horeeyay uga dhoofay dalka, kuna sii jeeda…

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u dhoofay dalka Eritrea, kadib markii uu dalka ku sugnaa muddo 40 maalmood.

Safarka Madaxweynaha ee magaalada Asmara ayaa lagu sheegay inuu ku saabasan yahay sidii uu wadahadallo ula yeelan lahaa Madaxweynaha dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki, kuwaasoo lag xoojinayo xiriirka labada dal iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa.

Madaxweyne ayaa xiriir dhow la leh dhiggiisa dalka Eritrea, waxaana si qarsoodi ah ay ugu tababartaa ciidamo siyaasiyiin badan iyo xildhibaanno ay shaki ka muujiyeen, laakiin mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa isku dhacay dowladda Eritreaa iyo Qatar, waxayna Eritrea kusoo dhowaatay dalka Imaaraadka Carabta oo xurguf kala dhaseyso dowladda Soomaaliya.

Socdaalka Farmaajo ayaa kusoo beegmay iyadoo madaxweynaha Eritrea uu dhowaan safar rasmi ah ku tegay dalka Imaaraadka, kadibna uu ka degay magaalada Addis ababa, halkaasoo ay wadahadallo ku yeeshay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Waa safarkii ugu horeeyay ee sanadkan cusub uu madaxweynaha dibadda ugu baxo iyo socdaalkii koowaad muddo 40 maalmood ah, isagoo safarkiisii ugu danbeeyay Addis ababa uga qeyb galay shirkii IGAD aakhirkii Novermbar 2019.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON