Madaxweynaha Soomaaliya oo dhowaan booqday degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa amar ku bixiyay in Afgooye ammaan ahaan la hoos geeyo magaalada Muqdisho.
Arrintan ayaa ka danbeysay kulan uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo la qaatay waxgaradka iyo odayaasha degmada Afgooye, ayna qeyb ka ahaayeen maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Kulankii Golaha wasiirada ee maanta ayaa lagu soo daray Afgooye qorshe loo dejiyay sugidda ammaanka Muqdisho, waxaana qoraal ka soo baxay golaha wasiirada uu shaaciyay wasiirka Warfaafinta lagu yiri: “Iyadoo la fulinayo jiheynta & tilmaamaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxay Guddiga Amniga Qaranka go’aamiyeen in Degmada Afgooye ay ka mid noqoto Howlgalka xasilinta Caasimadda..”
Xaaladda ammaanka Afgooye oo ka mida meelaha ugu liita gobolka Shabeelada hoose ayaa halis weyn ugu jira weerarro Alshabaab ku qaadaan oo joogto noqday, taasoo keentay inay Afgooye ka mid noqto ammaan ahaan magaalada Muqdisho.
Goobjooge.com