Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Baaq u jeediyay Dadka Soomaaliyeed iyo Ciidamada [Dhageyso]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa uga mahadceliyay shacabka taageerada ay la garab taagan yihiin iyo xildhibaannada sida ay u fuliyeen rabitaanka shacabka.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed sida aad ii garab istaagteen iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo har iyo habeenba u taagan inay cadowga ka celiyaan shacabka, waxaan shacabka ka codsanayaa inay is dajiyaan oo ay guryahooda dib ugu laabtaan, waad muujiseen shacuurtiina iyo dareenkiina, wixii aad rabteen waad hesheen, waxaan idinka codsanaya inaad dib ugu laabataan guryahiina, oo aad la shaqeysaan laamaha amniga, si loo sugo guud ahaan amniga dalka” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee dalka.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Raadiyaha Dowladda ayaa sheegay in dhowaan uu jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo qorshaha u degsan, waxaana uu ciidanka ka dalbaday inay xoojiyaan amniga dalka.

DHAGEYSO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON