Monday, June 23, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Cudurka Coronavirus dartiis cafis u fidiyey Maxaabiis badan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cafis u fidiyey maxaabiis ku dhow 150 qof, taasoo qeyb ka ah ka hortagga cudurka Coronavirus.

Maxaabiista cafiska loo fidiyey ayaa gaaraya 148 maxbuus oo xabsiga ugu jiray dambiyo fudud, waxaana wareegto uu soo saaray Madaxweynaha ayaa ka danbeysay warbixin ku saabsan xaaladda maxaabiista dalka oo ka timid Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud.

Taliska Asluubta Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka ayaa la faray inay dadaal geliyaan badqabka caafimaad ee maxaabiista ku jira xabsiyada dalka, si looga hortago halista caafimaad oo ay u nugul yihiin.

Si waafaqsan Qodobka 90-aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu Madaxweynuhu xukumaneyaashan u fidiyey Cafis Madaxweyne, iyada oo la xaqiijiyey in dhammaantood aysan u xukunneyn falal danbiyo culus.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON