Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo dabaaldegga maalinta 15-ka May u tegay Taallada SYL

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo  ayaa  ubax dhigay taallada  SYL ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb galaya fantasyo iyo xus loo sameynayo munaasabadda maallinta dhallinyarada ee 15-ka May, waxaana uu socod ku maray wadadda hor marta madaxtooyada.

Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 15-ka May, wuxuuna xusay taariikhda dhallinyaradi Soomaaliyeed ee aas aastay ururkii SYL  oo uu tilmaamay in ay nooga tageen dhaxal aan duugoobeeynin.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kula dardaarmay dhallinyarada Soomaaliyeed in ay usoo jeestaan horumarinta dalkooda. Madaxweynaha ayaa dib ugu laabtay Madaxtooyada kadib markii uu ubax dhigay SYL.

Xaflado waaweyn oo lagu xusayo maalinta 15-ka May ayaa ka socda magalada Muqdisho iyadoo la fasaxay shaqaalaha dowladda. Munaasabad kale ayaa ka jirta Stadio Konis oo dadweyne badan isugu soo bixi doonaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON