Wednesday, July 16, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo daqiiqado ka hor sanadka 2021 saxiixay Miisaaniyadda Dowladda & Aqalka Sare oo..

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa daqiiqado ka hor sanadka cusub ee 2021 saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee 2021 oo ay dhowaan meel mariyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Miisaaniyadda Dowladda 2021 ayaan loo gudbin Aqalka Sare ee Baarlamaanka, iyadoo la ogyahay in maalintii ugu danbeysay sSanadkii 2019 ay miisaaniyadda wada ansxiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka; balse kadib khilaafkii madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare wuxuu Madaxweyne Farmaajo howlgab ka dhigay Aqalka Sare.

“Madaxweynaha ayaa boggaadiyey Xildhibaannada Golaha Shacabka sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa Miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey, iyaga oo ku ansixiyey cod aqlabiyad leh.. Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad ka turjumeysa baahida ay qabaan shacabka Soomaaliyeed..” ayaa lagu yiri qoraal ay faafisay Madaxtoyada Soomaaliya daqiiqado ka hor sanadka cusub xilliga Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Xukuumadda in ay xoogga saarto dardargelinta adeegyada bulshada, kobcinta fursadaha shaqo ee dhallinyarada iyo xaqiijinta mushaaraadka shaqaalaha Dowladda iyo Ciidamada Qalabka Sida.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON