Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu laabtay Muqdisho & Soo dhoweyn aan hore loo arag oo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dib ugu soo laabtay galabta magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa booqasho laba maalmood qaadatay ku tegay dalka Sacuudiga, taaso isugu jirtay socdaal rasmi ah iyo cumro, waxaana soo dhoweyntiisa aya ahayd mid hoose.

Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ayaa ka duwanaa sidii hore iyadoo aan la xirin wadooyinka isla markaana aanay dhicin in madax badan iyo xubnaha labada gole ay saf u galaan sidii hore u dhici jirtay, waxaana dhacday in si heer hoose ah oo aanay cidna dareemin madaxweynuhu uga soo dego garoonka.

Warar aan la xaqiijin oo laga helay shaqaalaha madaxtooyada ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo  uu dalbaday inaan garoonka la soo buuxin, isla markaana wasiiro iyo xildhibaano badan isku imaan garoonka, taasoo yareysay saxmad iyo ciriirigii garoonka ka dhici jiray marka madaxda duulayaan ama soo degayaan.

Isbedelka socdaalka madaxweynaha iyo soo dhoweyntiisa ayaa bilow ka ah isbedellada laga sugayo madaxweynaha cusub.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON