Madaxweyne Farmaajo oo dibadda u dhoofaya saacado kadib caleemo saarkiisa [Halkee looga yeeray..?]

0
Somali leader heads to Eritrea in possible diplomatic thaw

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu safarkiisii ugu horeeyay  ugu dhoofi doono dal dibadda ah.

Socdaalka madaxweyne Farmaajo ayaa dhici doona saacado kadib marka xilka loo caleemo saaro isagoo aan weli soo magacaabin Ra’iisal wasaaraha xukuumadiisa.

Safarka ugu horeeya ee Farmaajo ayuu ku aadayaa dalka Boqortooyada Sacuudiga, isagoo la kulmi doona Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin C/casiis oo telefoon kula soo xiriiray, isla markaana martiqaad u fidiyay.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa farriin culus u soo dhiibtay safiirka Soomaaliya u fadhiya  Boqortooyada Sacuudiga Daahir Maxamuud Geelle isla markii xilka loo doortay, waxaana kadib dhacday xiriir khadka telefoonka ah oo naadir ah kaasoo dhex maray Boqorka Sacuudiga iyo Madaxweyne Farmaajo.


Qoraal uu Madaxweynaha ku qoray Boggiisa ayuu ku sheegay in boqorka Sacuudiga ay ka wadahadleen xiriirka labada dal iyo abaaraha Soomaaliya ka jira.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in boqorka Sacuudiga oo dhaqaale badan u balan qaaday madaxweynaha Soomaaliya, iyo deeq xoog leh oo Sacuudigu ka geysanayo abaaraha dalka ka jira ee qarka u saaran macaluusha.

Madaxweyne Farmaajo oo ololaha doorashada ku galay inuu yareyn doono safarrada madaxda dalka ayaa u muuqda inuu xaqiiqsaday lagama maarmaanimada socdaaladda dibadda.

Goobjooge.com