Sunday, July 20, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo fariin u diray Somaliland, “Isma huri karno hilba wada dhashiyo heyb qura nahay”

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maamulka la magac baxay Somaliland u diray fariin ku saabsan midnimada Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo midoobi lahaa.

Farmaajo oo khudbad xalay ka jeedinayay munaasabadii lagu xusayay sanad guuradii 57-aad ee xornimada gobolada waqooyi iyo taagidii calanka Soomaliya ayaa guud ahaan shacabka Somaliland ka codsadya inay u istaagaan midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, maadaama dhibaato badan loo soo maray midnimada maanta la haysto.

“Walaalahey Somaliland waxaan leeyahay Isma huri karno hilba wada dhashiyo heyb qura nahay” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo aan ku dheeraan ka hadalka siyaasadda iyo wada hadalka Somaliland iyo dowladda federaalka.

Maamulka Somaliland ayaa sanadkii 1991-kii ku dhawaaqay inay ka go’een Somalia inteeda kale, ilaa welling waxay dadel ugu tiran sidii ay u heli lahaayeen aqoonsi caalami ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON