Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Soomaaliya ka furay shirka dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada dalka.
Shirka ayaa la sheegay in looga hadlayo Ammaanka iyo Wada-shaqeynta iyo shirka London ee arrimaha Soomaaliya oo dhowaan furmi doona.
Wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa sheegay in shirka looga hadlayo dhismaha Guddiga Ammaanka Qaranka oo ah guddiga sare ee ka arrimiya arrimaha nabadgelyada.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shirka guddoominaya ka sokow waxaa kaloo ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.
Goobjooge.com