Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Goor dhoweyd gaaray magaalada Baydhaba

Wararka laga helayo magaalada Baydhaba aya sheegaya inuu goor dhoweyd halkaasi gaaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wafdiga madaxweyne Farmaajo ayaa ka qeyb galaya caleemo saarkaa madaxweynaha maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya oo maanta ka dhacaaya halkaasi, waxayna dowladda Somalia diyaarado daad gureeya ugu deeqday xildhibaannada iyo mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa caleemo saarka oo tan iyo shalay ku qulqulayey halkaasi.

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa awooddooda isugu geeyay inuu doorashada K/Galbeed ku soo baxo musharaxii ay wateen ee C/cassiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), waxaana caleemo saarkiisa maanta isugu tegay madaxda Baarlamaanka, madaxweynaha iyo xildhibaannada labada gole.

Ciidamada ilaalada madaxtooyada iyo ciidamo fara badan oo kale ayaa sugaya amniga magaalada Baydhaba oo si weyn loo adkeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON