Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo joojiyay canshuurtii laga qaadi jiray dadka Afgooye

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa joojiyay canshuurtii maamulka degmada Afgooye ee Koonfur Galbeed ka qaadi jiray dadka.

Arrintan ayaa ka danbeysay cabasho ay madaxweynaha u jeediyeen waxgaradka iyo odayaasha degmada oo kulan ay la yeesheen shalay madaxweyne Farmaajo ka sheegay in canshuur fara badan laga qaado, isla markaana aan waxba loogu qaban ee dad gaara ay iska qaataan.

Maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa saaka ku amray ciidamada dowladda hoose ee degmadaasi inaysan wax canshuur ah qaadi karin laga bilaabo maanta oo Talaado ah, si loo fuliyo amarka madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Afgooye C/naasir Caalin ayaa sheegay in loo joojiyay canshuurta  qaadista degmada kadib markii uu batay musuq hareeyay canshuurta.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON