Thursday, July 3, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqsaday Salaadii Ciida ee Masjidka Isbaheysiga

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta ka baaqsaday salaadii Ciida ee uu dadka kula tukan jiray Masjidka Isbaheysiga Islaamka magaalada Muqdisho.

Waxaa masjidka iska xaadiriyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jaawari) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo ay sidoo kale kasoo qeyb  galeen madax fara badan iyo shacab.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Iscafiyaan oo ay ka shaqeyaan nabadda iyo Xasiloonida Dalka.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ku ciidaan sharaf iyo karaamo, isagoo hambalyo cod ah u diray dadka.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha uu ku tukaday Masjidka yar ee Madaxtooyada dhexdeeda ku yaalla, taasoo aan looga baran madaxweyne Farmaajo munaasabadana ciidaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON