Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka digay siyaasiyiin uu sheegay inay adeegsadaan qabiil iyo Mooshin si ay carqalad u abuuraan.
Isagoo ka hadlayay xaflada caleema-saarka madaxweynaha Galmudug ayuu sheegay in madaxda Soomaalida ay ku yimaadeen rabitaanka shacabka oo la soo doortay, iyadoo aanu jirin qof xoog ku timid, sida uu yiri.
“Ummada Soomaaliyeed, maanta qof xoog ku yimid ma jiro, waxaa ugu danbeeyay walaalkay Xaaf, adduunku wuxuu hadda Soomaaliya in dimoqraadiyadda looga daydo, taasina waxay ku timid waa bisaelka shacabka oo diiday inay raacaan ninka qaloocan ee doonaya in qabiil lagu raaco, waxayna doorteen ninka u fiican iyagoo qabiil eegin…” ayuu yiri Farmaajo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dooday in waqtiga ay heystaan madaxda la doorto aad u yar yahay 4sano ama 2 sano, wuxuuna ka digay in la iska ilaaliyo nin qabiil raba inuu wax ku helo oo qaldan. “Mooshinka ha la joojiyo, waa inaad taageertaan dowladda aad halkan ku doorateen.., waa dowlad shacab, anigana waxaa isoo doortay xildhibaano, xildhibaanaddana rabitaan shacab ayeey ku yimaadeen…” ayuu sii daba dhigay.
Wuxuu tusaale ahaan u soo qaatay dalka Jabuuti oo uu sheegay inuu xasilooni siyaasadeed heysto kadin markii uu muddo dheer talada dalkaasi hayay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Goobjooge