Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo ka tegay shaqadiisii Mareykanka & Mushaarkii uu qaadan jiray oo la shaaciyay

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka sheegay inuu ka ruqseystay shaqadii uu ka hayay dalka Mareykanka, gaar ahaan Xafiiska Buffalo ee Waaxda Gaadiidka ee Gobolka New York.

Farmaajo ayaa la sheegay in hal maalin kadib markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya inuu ka tegay shaqadii uu ka hayay. Xafiiskaasi oo ah Waaxda Gaadiidka ee New York (The Buffalo office of the New York Department of Transportation).

Sida ay qortay Majallada Politico mushaarka uu qaadan jiray Madaxweyne Farmaajo ayaa sanadkii ahaa 83,954 Dollar, iyadoo bil waliba mushaarkiisu noqonayo ku dhowaad $7000.

Shaqaalaha iyo madaxda Waaxda uu ka shaqeyn jiray Madaxweyne Farmaaaajo ayaa sheegay inuu mar waliba  ku taami jiray sidii uu dib ugu noqon lahaa Soomaaliya, isagoo xiligii uu hore u soo noqday Ra’iisal wasaaraha laga dilay 7 ka mida ilaaladiisa.

Mushaarka madaxweynaha Soomaaliya ayaa ah 10,000 Doolar oo ay u wehliso gunnooyin, laakiin madaxda Soomaalida ayaa lacago badan ku qaata amarradooda iyagoo aan  ku ekaan mushaarka u qoran.

Goobjoog.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON