Thursday, July 10, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeedinaya Bannaanbax lagu taageerayo oo ka socda Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu khudbad u jeediyo bannaanbax lagu taageerayo oo ka socda magaalada Muqdisho.

Bannaanbaxa oo lagu xusayo boqolkii maalmood ee Maxamed C/llaahi Farmaajo uu xilka hayay ayaa waxaa soo qabanqaabiyay maamulka Gobolka banaadir, iyadoo si weyn loo adkeeyay ammaanka, isla markaana la xiray waddooyinka caasimadda intooda badan.

Madaxweyne Farmaajo ayay noqoneysaa markii ugu horeysay ee uu dadweyne isu soo baxay fagaare kula hadlo, waxaana kala qeyb geli doona bannaanbaxa wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladiisa.

Dadka ka qeyb galaya bannaanbaxa ayaa si weyn loo baarayaa isla markaana waxaa lagu qaadayaa gaadiid iyadoo guud ahaan socodka dadka laga joojiyay wadooyinka u dhow garoonka iyo magaalada.

Khudbadda Farmaajo ayaa inteeda badan ku saabsan waxqabadka dowladda uu hoggaamiyo iyo qorsheyaasha ay dooneyso inay hirgeliso, wuxuuna madaxweynaha hore u sheegay in xaaladda Soomaaliya ayaan 4 sano waxba looga qaban karin.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON