Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qeyb galay kulan gaara oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada New York ee xarunta Q/Midoobay.
Kulanka oo ay ka qeyb galeen dalalka Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageera ayuu Madaxweyne Farmaajo kusoo bandhigay waxqabadkiisa intii uu xilka qabtay iyo Doorashada 2020-ka ee la filayo inay dalka ka dhacdo, wuxuuna sheegay in Doorashada alka ay wadajir uga shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda sidii lagu gaari lahaa, wuxuuna intaas ku daray inuu rajo ka qabto Doorasho taariikhi ah inay ka dhacdo dalka.
Madaxweyne Farmaajo waxaa khubdadiisa ka mid ahaa “Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bahwadaagteeda u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha. Waxaan ku rajo weynnahay in ay noo suurtagasho qabsoomidda doorasho taariikhi ah.”. Warbixintan ayaa ahayd tii ugu horeysay ee madaxda dowladda ay shaaciyeen.
Wuxuu ka hadlay horumar uu sheegay inay dowladiisa ka gaartay kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, Diiwaangelinta ciidamada dalka, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dib u eegsita dastuurka iyo hirgelinta doorashooyinka, wuxuuna ku dooday in markii uu xilka la wareega uu ku dhaqaaqay maamul wanaagga iyo yareynta musuqmaasuqa.




