Friday, July 18, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo kulan Tacsi ah la yeeshay Qoyska Marxuumkii ay dileen Kolonyo uu la socday

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta gelinkii dambe ku qaabiley xafiiskiisa ehelada Allaha u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane oo shalay u geeriyooday markii ay jiireen kolonyo uu la socday afaafka hore ee madaxtooyada.

Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo, Madaxweynaha dalka ayaa tacsi u direy ehelada Tahliil, isagoona ilaahay ugu baryay in uu janadiisa ka waraabiyo. Waxana la soo weriyay inuu lacag tacsi ah u gudbiyay Qoyska.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka warfaafinta C/raxmaan Yariisow  iyo agaasrimaha guud ee e wasaaaradda iyo agaasimaha telefishinka Qaranka.

Ehelada Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane ayaa madaxweynaha jamuuriyadda federaalka Soomaaliya ugu mahadceliyay sida uu u qaabiley ulana qeybsaday tacsida.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta qaranka ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Allah u naxariistee Tahliil Jimcaale Hubane oo ka tirsanaa shaqaalaha wasaaradda warfaafinta.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON