Madaxweyne Farmaajo oo laba arrin kala mid noqday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump [Akhriso]

0

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo shalay la wareegay xilka Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa arrimo dhowr ah kala mid noqday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Farmaajo ayaa xafladii xil wareejinta ka sheegay inuu awooda dib ugu soo celiyay shacabka, taasoo ahayd ereyadii uu Donald Trump adeegsaday markii loo dhaariyay xilka. Trump ayaa laga soo xigtay inuu awoodda ku wareejinayo shacabka Mareykanka.

“We are transferring power from Washington, D.C., and giving it back to you, the people,”

Arrinta labaad ee Farmaajo ka tixraacay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ah inuu boggiisa shaqsiga ah ee twitterka u adeegsado inuu ku faafiyo wararka dowladda iyo go’aanada uu qaato.

Magacaabiddii ugu horeeyay ee uu sameeyay madaxweyne Farmaajo ayuu ku shaaciyay boggiisa shaqsiga ah ee twitter-ka, iyadoo aan la arag wareegtadii madaxweyne ee rasmiga ahayd isla markaana warbaahinta Qaranka aanay waxba ka qorin magacaabiddaasi.

Waxaa kaloo xusid mudan in Madaxweyne Farmaajo uu xoogga saaray bogga shaqsiya ah ee uu ku leeyahay twittterka isagoo bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada uu hore ula wareegay u adeegsaday inuu iidheh ugu sameeyo boggiisa shaqsiga ah, kaasoo markii la doortay ay ku xirnaayeen 1000, muddo toddobaad ka yar ahna ku gaaray ku dhowaad 15kun.

DHAGEYSO KHUDBADII FARMAAJO

Goobjooge.com