Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho ka daah-furay dhaqan gelinta Manhajka Waddaniga ah ee Dugsiyada Sare ee Dalka.
Madaxweynaha oo ay weheliyaan Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Wasiirrada iyo Agaasimeyaasha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa tegay Dugsiga Maxamuud Mire ee magaalada Muqdisho oo ardayda loogu qeybiyey buugaagta manhajka cusub ee dowladda, isagoo ku dhiirri geliyey inay xoojiyaan waxbarashada, kana ka miro dhaliyaan hiigsigooda.
“Waxaa guul ah in ubadkeenu ay maanta laga bilaabo wax ku baran doonaan Manhaj mideysan oo ka turjumaya dhaqanka, sooyaalka iyo baahida dalkeenna. Dadaal dheer kaddib waxa aynu ku guuleysannay Manhajka Dugsiyada Sare iyada oo horey aynu u soo daahfurnay Manhajka dugsiyada Hoose iyo Dhexe.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in diyaarinta, daabacaadda iyo hubinta manhajkan ay tahay shaqo waddani ah oo bilow ilaa dhammaad ay qabteen khuburo Soomaaliyeed.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre ayaa isna sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarashada dalkeenna, iyada oo la kordhiyey maadooyinka Dugsiyada Sare, lana gaarsiiyey 13 Maaddo oo ku diyaarsan Afka Hooyo, Carabi iyo Ingiriisi.