Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farrmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee dalka, kaddib soojeedin ka timid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed.
Garsoorayaasha oo ah kuwii ugu badnaa ee mar qura loo magacaabo Maxkamadda sare ayaa yimid markii ay isku dhaceen guddoomiyaha dhalinyaradda ah ee Maxkamadda Sare Baashe Yusuuf, waxaan Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ay kala yihiin:
1 – Garyaqaan Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblaawe.
2 – Garyaqaan Maxamed Cumar Axmed.
3 – Garyaqaan Cabdalle Macalin Maxamed.
4 – Garyaqaan Xaydar Barqash Abukor.
5 – Garyaqaan Axmed Cali Muuse.
Tallaabadan ayaa ka danbeysay markii shaqdooyinka laga eryay lix Garsoore oo ka mid ahaa Garsoorayaasha Maxkamadda Sare ee dalka oo mar qura wareegto uu ku eryay madaxweynaha.