Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Mas’uuliyiin Beel qura kasoo jeeda u diray Ciidamada gadoodsan ee Sh/Dhexe

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa abaabulay xubno ka tirsan xukuumada iyo taliska ciidamada Qalabka sida oo qanciya ciidamo gadoodsan oo kasoo baxay furimaha dagaalka Gobolka Sh/Dhexe oo maanta soo gaaray degmada Balcad.

Wafdigan ayaa waa hoggaaminaya Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow, iyagoo la kulmi doona saraakisha iyo Ciidamadaasi gadoodsan si ay xaaladooda wax badan uga ogaadaan, kalana hadlaan cabashadooda la xiriirta mushaar la’aanta.

Wasiirka Amniga waxaa wehliyaha Wasiirka warfaafinta Daahir Geelle iyo Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odawaa Raage, waxayna marka hore tegi doonaan degaanka Ceel Cadde ee duleedka Muqdisho, iyagoo kadibna u gudbi doona degmada Balcad.

Ciidamo kasoo baxay Mahadaay, Buurane, Qalimow iyo Garsaale iyo degaano ku dhow magaalada Jowhar aya isugu yimid degmada Balcad, gaar ahaan saldhigga Hiilweyne, lama oga sida ay ku qancin doonaan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha ciidamada Xoogga dalka oo arrinta ciidamada ay quseyso ayaan meesha ka muuqan, waxayna xaaladu u muuqataa in qaab beeleed loo xalinayo cabashada ciidamada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON