Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Muxaadaro u jeediyay Jameecada masjidka Isbaheysiga Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta muxaadaro u jeediyay dad Salaada jimcaha ku tukaday Masjidka Isbaheysiga.

Madaxweynaha ayaa boqolaal Dadweyne ah Maanta Salaadda Jimcaha kula dukaday Masjidka Isbahaysiga Islaamka ayaa wuxuu ka hadlay Ficilada xun xun oo ay dhaqanka u leeyihiin Maleeshiyada Argagixisada ah ee caadaystay inay daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay Madaxweynaha inay aad muhiim u tahay in halmeel looga soo wada jeesto Maleeshiyada Al-Shabaab, sidoo kalana shacabka Soomaaliyeed ay la shaqeeyaan Dowladda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku tilmaamay Argagixisada xiriirka la leh Al-Qaacida inay doonayaan inay waji xumeeyaan diinta Islaamaanka, oo iyaga oo magac Diin sheeganaya ay ku daadinayaan dhiiga Islaamka.

Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sidoo kale ugu Baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka faa’iideysaan Khayraadka Badan ee Alle uu ku manaystay waddankeena.

Ugu Danbayntii Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in lagu jiro 10-kii Danbe ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan loona baahanyahay Dad Soomaaliyeed ee Alle wax siiyay inay caawiyaan dadka Masaakiinta ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON