Tuesday, June 24, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Qanciyay xubin ka baxay Guddigii Taakuleynta Ciidamada [Akhriso]

Maxamed Yuusuf Tigey oo ka mid ahaa xubnaha loo magacaabay Guddiga oo dhowaan shaaciyay inuu iska casilay guddiga ayaa dib uga laabtay go’aankaasi kadib markii uu la kulmay madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu dadka ka raali geliyay go’aankii is-casilaadda isagoo sheegay kadib markii uu la kulmay madaxweynaha inuu garowsaday niyad jabka ka dhashay tallaabada uu qaaday, wuxuuna faahfaahin ka bixiyay saddexdii arrimood ee uu ka cabtay iyo sida wax loog qabtay.

HOOS KA KA AKHRI QORAALKIISA

Waxaan ka raalli galinayaa madaxda qaranka iyo shacabka soomaaliyeed go,aankii aan qaatay ee ahaa inaan iska casilay xubinnimadii Guddiga Taakulaynta iyo wacyigainta ciidamada qaranka.

Waxaan maanta la kulmay madaxwaynaha qaranka Maxamad Cabdullaahi farmaajo waxaan garowsaday go,aankaygu inuu niyad jab ku yahay inta Rajada dawladnimada qabta Farxaddna u yahay inta soomaaliya inaysan dawlad moqon ka shaqaysa.

Waxaan ka cawday Saddex arrimood sadixdiina waan wada xallinay waxaan diyaar u ahay illaa Qarankayga heybadiissii Dawladnimo ciidankiisii ku filnaa xuduudihiisa baddiisa iyo hawshiisa uu ka dhismayo inaan u shaqeeyo .
Fiiro Gaar ah : Waxaan Ka cawday 1- Madax banaanida guddiga waan dhammeynay. 
2 – Waxaan Ka cawday ixtiraam la’aan waan xallinay. 3 – Waxaan Ka cawday isku dheelitir la’aan: Waxaan caddaynayaa qodobkaan oo dadka qaarkiis si uusan ahayn u ďhigeen waxaan Ka waday waxaa Xubnaha beeshaydu ahaayeen Xubnaha ugu Badan oo ah afar xubnood waxaa Ka maqan beelo Soomaaliya Muhiim ka ah sida Biyo-maal, Raxanweyn Habargidir, Murursade iyo kuwa kale waana beelo aan looga maarmin Dib Udhiska iyo Taakulaynta Ciidamada qaranka .

Haddeydaan is taakulin tabar yeelanmaynee ka tashada cadaawohoo isku tiirsanaada.
Gabagabadii ujeedadaydu waxay ahayd in wax la saxo, Hawshaanna dhaqaaqdo khaladkii waa la saxay Hawshuna way dhaqaaqaysaa .

Igama ahayn degedag ama samir la’aan ama qabyaalad ee waxay iga ahayd in Xal la helo daawadiina waa la helay mahadsanidin ka raalli ahaada waxaad dhibsataan Waxaynu u soconaynaa horay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON