Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Safiir cusub u magacaabay dalka Mareykanka, kaddib muddo sanad iyo bar ah ah oo xilkaas Danjirnimo uu bannaanaa.
Safiirka cusub ee Somalia u fadhin doono Mareykanka ayaa loo magacaabay Amb. Cali Shariif Axmed, iyadoo uu mari doono nidaam dheer oo la filayo inay waqti qaadato aqbalaadda dowladda Mareykanka, waana safiirkii saddexaad ee muddo kooban gudahood Soomaaliya u magacawdo dalka Mareykanka.
Safiirka cusub Cali Shariif ayaa hore looga qaaday xilka Safiirka Soomaaliya ee dalka Itoobiya oo 7 bilood kaliya uu hayey iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Faransiiska oo November 2016 uu u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Safiirkii hore ee Somalia u fadhiyey Mareykanka Axmed Ciise Cawad ayaa loo magacaabay wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Janaayo 2018, waxaana markaas kadib uu xilkaasi noqday mid la buuxin waayey sababo aan la sheegin dartood.
Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa si aan hore loo arag u kala bedeshay safiirada Somalia u jooga dalalka dibadda, waxaana hadda bannaan ilaa 10 dal oo Somalia ay safiiro hore ugu joogeen.