Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaciyay saddex qodob oo ay ku heshiiyeen Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre intii aanu xilka u magacaabin.
Isagoo ka hadlayay xaflad ka dhacday magaalada Nairobi ayaa sheegay in isaga iyo Ra’iisal wasaaraha ay ku heshiiyeen saddex qodob oo kala ah:
1- Inaan musuqmaasuqa la dagaalno si wadajir ah oo ammaanada dadka ilaalino.
2- Inaan wada shaqeyno oo aan ka fogaano wixii khilaaf ah.
3- Inaan daacadnimo ugu adeegno umadda oo qabyaaladda iska ilaalino
Madaxweyne Farmaajo ayaa intaas ku daray inaysan qabiil ahayn madaxda dalka marka isaga laga bilaabo, ra’iisal wasaaraha iyo wasiirada la magacaabay oo ay yihiin Soomaali u shaqeyn doonaan.
Goobjooge.com