Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan maalinta Warbaahint xorta ah ee Caalamka u diray bahda saxaafadda, isagoo sheegay in isbedel lagu sameyn dooni xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.
Qoraal markii hore lagu baahiyey barta shaqsiga ah ee Twitter-ka Madaxweyne Farmaajo laguna baahiyey luqada Ingiriiska ayuu ku sheegay in saxaafadda ay heyso shaqada tayadeedu sarreyso oo door muhiim ah ka ciyaarta dib u qaabaynta sawirka laga haysto dalkeenna.
“Waanu ku faannaa weriyayaasha Soomaaliyeed ee ku sugan dalka gudihiisa iyo kuwa dibadda ka hawlgala, dadaalkooda joogtada ah awgiis ayayna innoogu suurtagashay inaan qaabayno mustaqbalka qarankeenna. Weriyayaashu safka hore ayay kaga jireen wax ka qabashada dhammaan masiibooyinka dalkeenna ka dhacay oo ay ka mid tahay tan hadda taagan ee Cudurka Karoona (COVID-19).Warbaahintu waxay lagama-maarmaan u tahay dowlad wanaagga, waddaniyadda, dib u dhiska qaran iyo midnimada..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynaha oo ururrada caalamiga ah sheegeen in dowladda hoggaamiyo ay caburiso saxaafadda madaxa bannaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dib u eegis lagu samaynayo Xeerka Ciqaabta ee soo baxay sannadkii 1964-tii, si loo xaqiijiyo inaan loo adeegsan weriye kasta, iyadoo mid ka mida weriyeyaasha ay dacwad uga socoto maxkamadda Gobolka Banaadir, markii ay xeer ilaalinta kusoo dacweysay inuu u gefay sharafta madaxweynaha.
“Dowladdu uma dulqaadan doonto meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta, waxayna sii wadi doontaa dadaalka lagu ilaalinayo warbaahinta, iyada oo laga fogaanayo dhammaan noocyada kala duwan ee tacaddi ee ka dhan ah warbaahinta kuwaasi oo ku salaysan aragtidooda siyaasadeed. Aynu sii wadno u adeegista dalkeenna, maxaa yeelay xirfaddan sharafta leh waxay muhiim u tahay barwaaqo-sooranka dalkeenna..” ayaa ka mid ahaa qoraalka madaxweyne Farmaajo.
Qoraalka hoose oo ku qoran luqada Ingiriiska ayaa ahaa mid loogu talogalay beesha caalamka oo si weyn uga hortimid tacadiyada dowladda Federaalka ku heyso saxafiyiinta dalka ka howlgala.