Sunday, June 22, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Taliye ku xigeen cusub u magacabay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed [Wareegto]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dalacsiiyey, isla markaana Taliye ku xigeen u magacaabay Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif).

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shacisay caawa in Farmaajo uu Darajada Sarreeye Guuto u dalacsiiyey Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif), isla markaana wareegto ugu magacaabay inuu noqdo Taliye Kuxigeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Jeneraal Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) ayaa bedelaya Taliye Kuxigeenkii xilka laga qaaday ee Jeneraal Siciid Axmed Kadiye. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u rajeeyey Sarreeye Guuto Cismaan Maxamed Cabdullaahi (Kaniif) in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Ad

Wareegtada Madaxweynaha ayaa dhaqan galaysa laga bilaabo maanta oo Talaado ah 01-da, Oktoobar 2019.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON