Madaxweyne Farmaajo ayaa manta kormeer ku tegay qaar ka mida xeryaha ciidamada milateriga Soomaaliya, iyadoo la xiray inta badan waddooyinka mihiimka ah ee Muqdisho.
Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inuu maanta booqday xerooyinka ciidamada, wuxuuna saraakiisha ciidamada kula shiray Xarunta Wasaaradd Gaashaandhigga, isagoo sidoo kale tegay Xerada Jen. Gordon ee magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa inuu tago xerooyin kale.
Madaxweynaha oo ay tahay markii ugu horeysay ee uu ku soo baxo dhibaatada ka taagan mushaarka ciidamada oo keenay inay gadoodaan, kana soo baxaan furimihii dagaalka ee Gobollada Shabeelada Dhexe iyo Shabeelada Hoose.
Waxaa kormeerka madaxweynaha loo xiray Wadooyinka ay ka mid yihiin Maka AlMukarama iyo qeyb ka mida Jidka Wadnaha, iyadoo la dhigay ciidamada ilaalada Madaxtooyada.
Madaxweynaha oo ah taliyaha ugu sareeya ciidamada Qalabka sida ayaa marar badan loogu baaqay inuu soo dhex galo dhibaatada ka taagan ciidamada oo xukuumadda ku doodeyso inay diiwaan gelin ku wado, mana muuqato inuu u tegi doono ciidamada gadoodsan ee ku sugan degmooyinka Balcad iyo Baraawe.