Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u maanta u dhoofay dalka Burundi, kadib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalkaas.
Dowladda Brundi ayaa ka biyo diidan in ciidamo gaaraya 1000 askari oo ka tirsan AMISOM ay kala baxdo, taasoo qeyb ka ah qorshaha dhimista ciidamada AMISOM ee Soomaaliya oo lagu bilaabayo ciidamad Burundi ee ka baxaya Gobolka Sh/Dhexe.
Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Burundi Pierre Nkurunziza ayaa ka wadahadli doona xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo arrinta ciidamada AMISOM.
Waa socdaalkii ugu horeeyay ee madaxweynaha Somalia uu ku tago dalka Burundi oo ka mida dalalka ay ciidamada badan ka joogaan Soomaaliya.