Saturday, September 13, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo xaflad raaligelin ah u sameynaya taliyeyaashii uu xilka ka qaaday [Sababta]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa la sheegay inuu xaflad raaligelin iyo mahadcelin ah u sameynayo taliyeyaashii uu shalay xilka ka xayuubiyay.

Madaxweynaha ayaa lagu dhaliilay qaabkii ku soo boodka ahaa ee uu xilka uga qaaday taliyeyaasha iyo guddoomiyaha Gobolka Banaadir isagoo aan xitaa ku wargelin.

Taliyeyaasha qaarkood ayaa howlo adag ku jiray, halka qaar kale  ayna  ka naxeen, waxaana taasi u dheer inaan lagala tashan golaha wasiirada ku shaqada lahaa, waxayna arrimahan keeneen shirar shalay iyo xalay ka socday Muqdisho.

Shirarkaasi ayay isugu yimaadeen xildhibaanada beelaha saraakiisha xilka laga qaaday oo madaxweyne Farmaajo ku dhaliilay degdeg iyo inuu si gurracan ula dhaqmay mas’uuliyiin qaran.

Taliyeyaasha ayaa saxaafada iyo farriimo telefoon loogu diray xil ka qaadista lagu sameeyay, waxayna arrintan keentay in madaxweynaha uu garwaaqsado isagoo maalinta beri ah kulan qado iyo raali gelin ah u sameynaya mas’uuliyiintii uu xilka ka qaaday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON