Monday, July 14, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo Xeer Madaxweyne Dib ugu dhigay Ansixinta Dastuurka Dalka (Akhri sababta)

Madaxweynaha Soomaaliya ee mudad xilkiisa uu sii dhammaanayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel Gaarka ah.

Arrintan ayaa ka dambeysan markii dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ku fashilantay in dalka la dhammeystiro dastuurkad alka, taasoo keenay in la galay xilligii doorashooyinka dalka oo ay sii dhammaaneyso muddada xilhaynta Barlamaanka 10-aad, ayna bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii ugu horeysay shalay 23-kii bishan Diseembar 2020 la kulmay Guddiga La-socodka Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka, Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, waxayna kula taliyeen inuu soo saaro xeer ku saabsan arrimaha Dib-u-eegista Dastuurka.

“Iyadoo aan waxba loo dhimeyn Qodobka 136aad ee Dastuurka KMG, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxa uuna Baarlamaanka 11aad u gudbiyey qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, ansixiyeenna Guddiga La Socodka BFS, iyadoo ay la socoto warbixin faah-faahsan, habraaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhameystiro looguna ansixiyo muddada Xilhaynta Baarlamaanka 11aad.”

Xeerkan uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Diseembar 2020, waxaana la baabi’iyey Sharciga iyo xeer kasto oo ka soo horjeedo arrinkan, iyadoo lagu soo daabicayo Faafinta Rasmiga.

Dhammeystirka Dasuurka ayaa ahayd mid ka mida howshii ugu weyneyd ee loo xil saaray dowladii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin 4 sano kadib waxaa mar kale dib loo dhigay Soomaaliya yeelato Dastuur rasmi ah. Xeerkan ayaa laga sugayey Baarlamaanka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON