Sunday, June 29, 2025

Madaxweyne Farmajo oo Nairobi u tegay Shir looga hadlayo Arrimaha Dhaqaalaha Badaha [Sawirro]

Madaxweynaha Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo la sheegay inuu uga qeyb gelayo Shirka Dhaqaalaha Badaha Blue Economy Conference).

Waa dalkii afraad ee uu socdaal ku tago Farmaajo kadib markii hore loo sheegay inuu booqanayo dalka Talyaaniga, waxaana xigay dalalka Turkiga iyo Uganda, iyadoo shirka Badaha ee magaalada Nairobi uu yahay shirweyn kumanaan qof ka qeyb galayaan u badan hay’ado, waxaana kaliya tegaya ilaa 10 madax dowladeed.

Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka.

Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda.

Image may contain: 1 person, standing and outdoor

Image may contain: 3 people, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 11 people, people smiling, people standing, wedding and outdoor

Image may contain: 7 people, people smiling, people standing and suit

Image may contain: 3 people, people standing and suit

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON