Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wadajir u guddoomiyey shirka Shirka Nabadda iyo Xasilloonida Geeska Afrika ee qeybta ka ah fadhiyada Madasha Iskaashiga waddamada Afrika iyo Japan (TICAD) ayaa soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan dalalka Geeska Afrika.
Shir doceedkan waxaa ka qeyb galay madax fara badan oo kala ah: Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya Abiye Axmed, Raiisul Wasaaraha Dalka Japan Mudane Shinzo Abe, Guddoomiyaha Midowga Afrika Mudane Mussa Faqi, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Mudane Antonio Guterres, Madaxweyne Kuxigeenka Dalka Koonfurta Suudaan Mudane James Wani Igga, Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka, Jabuuti Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, Ereteriya Mudane Cusmaan Saalix, waxaana dowladda Kenya uga qeyb gashay Wasiirka arrimaha dibadda Monica Juma, Madaxda Hay’adaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo daneeyeyaasha gobolka, maalgashadeyaal caalami ah iyo khuburo dhaqaale oo lagu marti qaaday Madasha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in lagu garab istaago waddamada Geeska Afrika qorsheyaashooda horumarineed, laguna dhiirri geliyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeen oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga iyo isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.
“Waxaan si cad u qeexayaa in qorshaheenna muddada fog uu ku qotomo sidii aan mar labaad u soo celin lahayn kaalinta uu dalkeennu ku leeyahay Geeska Afrika, arrinkaas oo aan ka sameynay bilow fiican kaddib markii aan hormuud ka noqonnay dadaalladii dib u heshiisiineed iyo iskaashiga saddex geesoodka ah ee dalalka Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya.”
Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu soo dhaweeyey fadhigan wafdiga dowladda Jabuuti oo ka soo qeyb galay shir-doceedkan ku saabsanaa arrimaha Geeska, isagoona adkeeyey doorka wax-ku oolka ah ee dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leeyihiin dhaqaajinta hayaanka horumarinta Gobolka.





