Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Gaas oo Bandhig socod ah ku maray wadooyinka magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) oo maalmahan ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa socod bandhig ah ku sameeyay magaalada Gaalkacyo isagoo socod ku maray wadooyinka Gaalkacyo iyadoo ay wehliyaan mas’uuliyiinta Gobolka.

Gaas wuxuu  xariga ka jaray Wadooyin Laami ah oo la sheegay inay yeelanayso magaalada Gaalkacyo, isagoo lug ku maray  Xaafadaha kala duwan ee Magaaladda Gaalkacyo qeybteeda Waqooyi ee Puntland ka taliso.

Sidoo kale madaxweye C/weli Gaas wuxuu dadweynaha Gaalkacyo  kula qaxweeyay  Baararka  iyo Hoteeladda ku yaalla Gaalkacyo, isagoo Carwooyinkana dhex tegay oo la sheekeystay Ganacsatada.

C/weli Gaas ayaa hore loogu eedeeyay inuusan ka bixin Garowe, taasoo keentay inuu magaalooyinka Puntland ku dhex wareego, kuna bixiyo socdaallo kal duwan.

Gaas03

Gaas02

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON