Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa dib ugu laabtay Garowe kadib markii uu socdaal qaatay aba toddobaad ku maray dalalka Kenya, Imaaraadka Carabta iyo Talyaaniga, waxaana garoonka uga hor tegay madaxweyne ku xigeenkiisa iyo afhayeenka Baarlamaanka Puntland, wasiirada iyo dadweyne fara badan.
Md. Gaas ayaa sheegay inuu safar shaqo ku maqnaa ujeedka socdaalkiisuna ahaa sidii loo hormarin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha sida garoomada diyaaradaha iyo dekadaha, wuxuuna intaas ku daray in socdaalkliisa uu kaliya ahaa mid ku saabsan isbedel lagu sameeyo dhaqaalaha dalka. Wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga ayuu sheegay inay is arkeen oo ay ka codsadeen mashaariic cusub inay ka fuliyaan Puntland, sidoo kalena ay Imaaraadka u tageen arrintaas oo kalem safarkaasina guul ku soo dhammaaday.
Magaalada Garowe waxaa ka socda mooshin lagu doonayo in lagu soo gole joojiyo xukuumada C/weli Gaas oo ay ku soo eedeeyeen in xaaladda Puntland ay kasii dartay dhinacyada ammaanka, siyaasadda iyo dhaqaalaha. Xildhibaanada Golaha wakiilada Puntland ee doonaya in kalfadhi aan caadi ah oo degdeg la qabto ayaa la kala furay, iyadoo faragelin lagu sameeyay, kadibna dib ayay isu abaaluleen iyagoo helay xubno cusub.
Xildhibaanno gaaraya lix ayaa kusoo biiray xildhibaanadii kalfadhiga aan caadiga ahayn dalbaday, waxayna qireen inay jiraan xildhibaano ka mid ahaa oo laga saaray kooxdooda, laakiin ay ku bedeleen xildhibaanada cusub ee ku soo biiray, tirada xildhibannada hadda saxiixay mooshinka waxay gaarayaan 26 xildhibaan, waxaana kalfadhiga aan caadiga aheyn dalban kara 17 Mudane oo kaliya.
Waxaa la arki doonaa inay ku guuleysan doonaan in kalfdhi aan caadi ahayn la qabto iyo in mar kale la kala furfuri doono, xilli uu dib u soo laabtay madaxweyne Gaas oo mooshinku ku wajahan yahay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]