Sunday, July 13, 2025

Madaxweyne Guudlaawe oo ku dhawaaqay inuu hoggaaminayo Dagaalka Alshabaab ee Sh/Dhexe

Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay inuu hogaaminayo howlagallada dagaal ee laga ciribtirayo Alshabaab.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa looga baaqay shacabka Goblka Sh/Dhexe inay u midoobaan dagaalka argagixisada cadowga ah ee Alshabaab, kana qeyb noqdaan howlgalada dalka looga xureynayo kooxaha argagixisada ah.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo dareyska ciidmada ku lebisnaa, kuna sugan degaanka Raage Ceelle, ayna wehliyaan xildhibaan Cismaan Xaadoole iyo Guddoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe ayaa bogaadiyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo dadka deegaanka ee Alshabaab ka xureeyay deegaanno badan.

Cali Guudlaawe wuxuu caddeeyay in dhowaan degaanno iyo degmooyin muhiim ah laga dulqaadi doono kooxaha argagixisada ah ee u taagan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed, sida uu yiri.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON