Wararka laga helayo dalka Iran ayaa sheegaya in madaxweyne ku xigeenkii dalkaasi laga helay cudurka Cronavirus.
Madaxweyne ku xigeenkii dalka Iran ee arrimaha Haweenka iyo Qoyska Masoumeh Ebtekar ayaa la xaqiijiyay in laga helay Cudurka Coronavirus, iyadoo xaaladeeda lala tacaalayo.
Dalka Iran oo ka mida dalalka uu sida weyn ugu faafay cudurka ayaa hore loo shaaciyey inuu ku dhacay wasiir ku xigeenkii caadimaadka dalkaasi.
Waxaa xayiraad lagu soo rogay isu socodka dadka magaalooyinka dalka Iran