Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne ku xigeenka & Guddoomiyaha Barlamanka Galmudug oo tegay degaanka Godinlabe

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi Cali Gacal Casir ayaa socdaal ku tegay maanta degaanka Godinlabe oo u dhaxeeya degmooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb oo hore loo sheegay inay ku sugan yihiin ciidamo taabacsan Ahlu suna.

Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud
Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud

Socdaalkan ayaa ka mida is balaarin uu wado maamulka cusub ee Galmudug oo la sheegay in kooxda Ahlu suna ay ku sii sinqeyso, waxayna wararku sheegayaan in madaxda Galmudug ay dadaal ugu jiraan sidii ay u adkeyn lahaayeen difaacooda kadib markii ciidamada Itoobiya ay ka baxeen degmada Cadaado ee xarunta kumeelgaarka u ah Galmudug.

Wafdiga madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa kulamo la leh dadka degaanka Godinlabe oo markii hore hoos tegi jiray maamulkii Xima & Xeeb. Socdaalkan wuxuu ka dambeeyay kadib markii Galmudug ay ku fashilantay inay maamulkeeda gaarsiiso waqooyiga Galgaduud.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON