Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo xiray Odayaal dhaqameed Beelo waanwaan u socotay

Madaxweynaha ku xigeenka maamulka Hirshabeelle, ahna kusimaha madaxweynaha maamulkaasi Cali C/llaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa xabsiga dhigay odayaal dhaqameed.

Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa sheegayanin tiro Odayaal ka socday beelo ku diriray degmada Cadale ee Gobolka Shabeeldaha Dhexe, una joogay magaalada Jowhar uu xabsiga dhigay madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle isagoo ku eedeeyay inay heshiis gaari waayeen.

Odayaashan ayaa loo sheegay inaan la sii deyn doonin, iyagoo aan heshiis ka gaarin colaadda ka jirta degaanada hoos taga degmada Cadale, arrintan oo la yaab ku noqotay odayaasha la xiray.

 

Waanwaanta labada beelood ayaa la sheegay inay hore u socon weyday, kadib markii shuruudo adag isku xireen labada dhinac, taasoo keentay inuu tallaabadan qaato madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo amar ku bixiyay in la xiro odayaal labada beelood kasoo jeeda oo ku dhow 20.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON