Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maamul cusub u magcaabay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Guddoomiyaha degmada Baardheere ayaa mar kale loo magacaabay isla Guddoomiyahii hore Cabdullaahi Nuur Xasan Caddow, halka kuxigeenkana loo magcaabay Ismaaciil Sheekh Qorrax Koofi, iyadoo muddooyinki dambe khilaaf muddo socday uu hareeyay maamulka degmada Baardheere.
Maamulka Jubba ayaa ku qasbanaaday inuu sharciyeeyo maamulkii hore kadib kulan ay isugu yimaadeen Waxgaradka iyo Odayasha Dhaqanka beelaha Baardheere,taasoo keentay in Madaxweyne ku-xigeenku dib u magacaabo maamulkii hore.