Doorashada Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa goor dhoweyd la soo gabagabeeyay.
Xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka cusub ayaa loo doortay Guddoomiyihii Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaabe Xuseen oo hore loo filayay inuu xilka ku guuleysto kadib markii musharaxa xilka kula tartamayay si hoose loo xaliyay arrimihiisa.
Doorashada ayaa ku soo dhammaatay iyado natiijadii ay noqotay inuu cod aqlabiyad leh ku guuleysto Cali Guudlaawe Xuseen oo ah 86 cod. Waxaana natiijada la sii ogaaday iyadoo aan la tirib codkaba.
Waxay ahayd doorasho aan lagu daalin labada xil ee madaxweyne iyo ku xigeenkiisaba, waxayna doorashada dambe u ekeyd mid qof kaliya tartanka ku jiray.
Waxaa soo dhameystirmay doorashada maamulka cusub ee Hiiraan oo hadda noqday maamul ka mida maamul goboleedyada dalka ka jira.
Goobjooge.com