Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Cabdullaahi Cumar (Camey) ayaa Golaha Iskaasgiga maamul goboleedyadda ku tilmaamay mid lagu lagu kala tegay oo haraadi ah.
Wuxuu sheegay in golaha maamul goboleedyada uu sii dhammaanayo, iyadoo uu isaga baxay madaxweynaha Hirshabeelle, Shariif Xasan-kii Koonfur Galbeedna uu meesha ka baxay, sidaasina uu noqday gole haraadi ah oo waqtigoodu dhammaaday; kaliyana ay ku soo hareen maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.
Camey ayaa ku eedeeyay madaxweynayaasha maamul goboleedyada inaysan dooneynin midnimo Soomaaliyeed, ujeedkuna ahaa inay dowladda federaalka la tartamaan.
DHAGEYSO