Friday, June 27, 2025

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo shaqadii ka joojiyey Wasiir iyo Agaasime dagaal dhex maray

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa shaqadii ka joojiyey Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Maxamuud Xaaji iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, C/rasaaq Jaamac.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa lagu caddeeyay in shaqo ka joojin lagu sameeyay Wasiirka iyo Agaasimaha. Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay Isniintii ku dhex dagaallameen gudaha Wasaaradda.

Wararka ayaa sheegaya in Wasiirka Kalluumeysiga Puntland Maxamuud Xaaji iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi C/rasaaq Jaamac ay isku qabteen arrimo dhaqaale oo keenay inuu dagaal gacan-ka-hadal ah dhex maro, iyadoo uu dhaawac fudud kasoo gaaray Wasiirka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON