Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug C/Xakiin Cumar Cameey ayaa sheegay in xayiraadda ay ku soo rogeen Gaadiidka ka yimaada Koofurta Soomaaliya aan loola jeedin cid gaara.
Camey oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka hadlay warar lagu dhaliilay maamulkiisa oo xayiraad ku soo rogay isu socodka Gaadiidka, isagoo ku dooday in amarrada ay soo saareen ay quseeyeen dhinaca ammaanka oo kaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland wuxuu ku adkeystay inaysan Puntland gorgortan ka galeynin ammaankeeda sida uu yiri, wuxuuna digniin u diray ganacsato uu sheegay inay u aqoonsan doonaan kuwa hubka iyo maleeshiyada Shabaab soo gelinaya Puntland.
DHAGEYSO MADAXWEYNE KU XIGEENKA PUNTLAND
Goobjooge.com