Allaha u naxariistee waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya maantya ku geeriyooday Madaxweyne ku xigeenkii labaad ee maamulka Jubbaland Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere).
AUN C/qaadir Lugadheere ayaa xaalad caafimaad loo geeyay isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi, halkaas oo xaaladiisa lagula tacaalayay, waxaana la xaqiijiyay inuu halkaasi ku geeriyooday, iyadoo tacsi u diray Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Qoraal uu soo saaray uga tacsiyadeeyay geerida Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere) oo uu sheegay inuu ahaa Madaxweyne Ku-xigeenkii 2-aad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuumku uu door ka soo qaatay nabadeynta, mideynta iyo dowlad dhiska Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah ugu tacsiyeeyey ehelka, qaraabada iyo bulshada Jubbaland ee uu ka baxay.
Waxaa kaloo marxuumka tacsi u diray mdaxda dowladda federaalka, dowlad goboleedyada, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka.